Fu’aad Shongole oo ku baaqay in la kordhiyo dagaalka lagula jiro Amisom iyo ciidamada Dowladda

0
1155

Fu’aad Shongole, wuxuu sheegay ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda inay ku jabeen dagaalka ka socda Somaliya ee sida uu sheegay Jihaadka ah, wuxuuna tusaale u soo qaatay weeraradii Shabaabka ay ka geysteen Leego iyo Janaale oo Shabeellaha hoose ka tirsan, ayna ku weerareen ciidamada Amisom.

Shongole, wuxuu sheegay ciidamada Shabaab markii ay ku jabiyeen dagaalka Amisom deeganadaasi inay isaga carareen ciidamada Amisom, taasina ay muujinayso ayuu yiri guusha dagaalka ay ka gaareen Shabaabka.

Sarkaalkaan ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa ciidamada Shabaab iyo inta taageerta wuxuu ugu laab qaboojiyay inay soo socoto guulo badan oo ay gaari doonaan ciidamada Shabaab, balse loo baahan yahay in la muujiyo sabar badan oo ku aadan wadada guusha.

Sheekh Fu’aad Shongole, ayaa caan ku ah dhiiragelinta ciidamada Shabaab iyo kuwa taageera Shabaabka, waxaana uu ku baaqay in loo samro dagaalka oo ciidamada ka soo horjeeda si adag loola dagaalamo.

Ururka Al Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay la soo baxay xeelado cusub oo dagaal oo ay ku weerareen Xerooyin ciidanka Amisom ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan Shabeellaha hoose.

Al Shabaab ayaa aaminsan dagaalka ay ka wadaan dalka Somaliya in uu yahay mid  jihad ah oo askarigii kaga dhinta uu yahay Shahiid, janadana uu galaayo.