Gerard Pique Oo Seegay Tababarkii Maanta Ee Xulka Qarankiisa Spain Iyada Oo Laga Shakisan Yahay Inuu Qabo Dhibaato Muraqa ah

0
1305

pique

Difaaca dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa seegay tababarkii xulka qarankiisa Spain ay ugu diyaar garoobayeen kulanka ay La Roja la ciyaari doonto xulka qaranka Urkraine. Spain ayaa kulankii Luxembourg xaqiijisatay booskeeda Euro 2016 laakiin waxa ay isniinta kulanka ugu danbeeya la ciyaari doonaan Ukraine.

 

Pique ayaa 90 kii daqiiqo dhamaystay kulankii ay Spain guusha kaga gaadhay xulka qaranka Luxembourg, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo muujinaya in Pique ay haysato dhibaato muruqa ahi balse wali ma jiro wax war ah oo ay Spain ama Barcelona ay ka soo saartay maqnaansha Pique ee tababarka Spain.

 

Tababarha Spain ee Vicente del Bosque ayay hubaal tahay inuu kulanka Ukraine ka maqnaan doono Sergio Ramos, kaas oo garabka dhaawac ka qaba, laakiin Del Bosque ayaa shaaca ka qaaday inuu shaxdiisa badal ku samayn doono kulanka Ukraine.Marc Bartra ayaa taam ah kaas oo ay u badan tahay inuu markale difaaca dhexe ku bilaaban doono.

 

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.