Goormuu Danny Welback garoomada Ku Soo Laaban Doonaa ? Isaga Ayaa Rajadiisa Ka Hadlaya

0
1569

Danny Welback

Weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka England Danny Welbeck ayaa wareysi siiyay shabakada The National ee kasoo abxda isla dalkaasi ingiriiska wuxuuna kaga ahdlay waxyaabo badan oo ay kamid yihiin soo  laabashadiisa.

Welback ayaa yiri  “Wey adag tahay inaan dhaho waxaan soo laabanayaa taaiikhdaas, laakin waxaan rajeynayaa inaan soo laabto sanadka cusub, kadib markii qaliin la igu sameeyay, afar todobaad ayaan la jiifay oo aan ilaalinayay lugta, taasoo aadan fududeyn, shaqo badan oo mashiinka ah ayaan qabanayay, lix saacadoo maalin kasto ku shaqeynayay mashiinka”.

Sidoo kale Danny ayaa intaa ku daray “Inaad lug ilaalin aad la jiifato waa wax aan caadi aheyn oo aad u adag, waxay aheyd markii iigu horeysay ee dhabarkeyga ku seexdo mudo sanadaha, laakin haatan ugu danbeyn waan fiicanahay, wan socon karaa, waxaan ku sii dhawaanayaa inaan taam buuxo noqdo kuna soo laabto garoomada”.

“Waa murugo inaad dhaawac la jiifto, oo aad daawato ciyaaraha kale, waxad daremeysa caawinaad la’aan, laakin kaliya waan is dhiiro galisaa, hamiga marwaliba waa sidiisa, waxaa dooenysaa inad ciyaarto oo aad goolal dhaliso, waa wax adag laakin wa ainad is dhiiro galisaa”.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.