Gudoomiye Jawaari Oo Ku Dhawaaqay In La Soo Gabagabeeyay Mooshinkii Madaxweyne Xasan Sheikh

0
251

Waxaa maanta mar kale   kulan  magaaladda muqdisho ku qaatay xildhibaanada baaarlamaanka soomaaliya kuwaas oo waayihii dambe ku kala aragti duwanaa mooshinka madaxweyne xasan sheikh maxamuud.

Kulanka ayaa waaxaa shirgudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya maxamed sheikh cismaan jawaari sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Ra’iisulwasaaraha soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’aarke.

Xildhibaanadda ka soo horjeeda mooshinka ayaa sheegay in mooshinka uusan xaq aheyn islamarkaana dalka lagu qalqal galinayo.

Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya maxamed sheikh cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba lasoo afmeeray oo la laalay mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale xildhibaan cabdi barre oo afhayeen u ah xildhibaanada wada mooshinka islamarkaaana goobjoog ahaa kulanka ayaa sheegay in go’aankoodii ay ku taagan yihiin oo aysan ka laaban doonin.