Hambalyo Sannadka Cusub ee Hijriyada 1437

0
1490

hijrigaBeri oo Arbaco  ah oo Bisha Miilaadiga ah 14-10-2015 waxaa Curanaya Sanadka  cusub ee Hijriyadda Islaamka 1437, waana Bisha Muxaram oo ah Bil ay ka buuxaan Khayr badan islamarkaan waa Bisha la bixiyo Zakada, iyadoo taasi jirto ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku baraarugsaneyn dhalashada Sanadka cusub ee Islaamka taas oo lagu sababeeyey kadib markii ay qabatimeen ku dhegenaanshaha sanadka Miilaadiga oo isagu haatan maraya 2015, Bilo kadibna la geli doono 2016.

Dalalka aan haysan Diinta Islaamka si weyn ayay u qiimeeyaan sanadkooda marka uu dhalanayo waxayna sameeyaan Fantansiyo iyo Dabaaldegyo, hase yeeshee dadka Islaamka ayaa iyagu qaarkood aan ka war qabin Dhalashada Sanadka islaamka, qaarkood haddii aad weydiiso dhalashada Sanadka cusub, waxa uu la soo boodayaa ma kii Nataalaha ama Miilaadiga, qaarkoodna waxaa la sheegay in ay isku hambalyeeyaan.Sannadka Milaadiga

Sanado ka hor dadka Soomaaliyeed waxay Hambalyo iyo Fantasiyo u sameyn jireen Sanadka Miilaadiga, hase yeeshee Waqtiyadaan dambe ayaa moodaa  dadka soo fahmayaan in ay sanadkooda Hijriyada  weyneeyaan inkastoo sidii la rabey uusan u gaarin hadana waa wax waajib ah in aan ka soocnaano Umadaha kale maadaaama uu   Alla nagu maneystey Diintaas Qiimaha leh ee Islaamka

Warbaahinta oo laga rabay in ay Bulshada ku hagto wadada saxda ah ayaa iyaduna ku baraarugsaneyn Dhalashada Sanadka cusub ee Hijriyadda, waxaana taas ugu wacan iyadoo markay barnaamijiyada ama wararka sheegayaan isticmaala Sanadka Miilaadiga ah, waxayn ahayd in Warbaahinta Kaalinta Koowaad ka gasho qiimeynta iyo soo dhaweynta  Sannadkooda maadaama Warbaahinta lagu Tilmaamo Macalinka Bulshada

Sanadka Hijriyadda ayaa soo bilowday waqtigii Nabiga NNKH  la amray in uu ka hijroodo Magaalada Makka ALMukarama una Hijriyoodo Magaalada Madiina taasoo ah  ah sanadka saxda ah ee loogu talagalay in ay ku dhaqmaan dadka Islaamka, kuna saleeyaan noloshooda, sida Ballamaha, Munaasabadaha iyo Dhacdooyinka kale iyo wixii la mid ah,  waxaana Waajib ah oo Bulshada looga baahan yahay in arrintaas ka hirgeliyaan Jaamacadaha, Iskuulaadka Dugsiyadda Qur’aanka welibana lagu saleeyo Manhajyada kala duwan ee Waxbarashada, sidaas si la mid ahanna waxaa wanaagsan in ay wadamada Islaamku ugu baraarugsadaan la socoshada Taariikhda Islaamka ee Hijriyadda, waxaa xusid mudan in Dowladda Sucuudiga ay tahay dowladda keliya ee isku taxlujsa la socoshada taariikhda Hijriyadda, waxayna sameysaa Sannad kasta  Kalandaro ku qotoma Taariikhda Hijriyadda.

Sannadka Islaamka waa laba iyo Toban Bilood waxay kala yihiin.

  • 1-Muxaram
  • 2-Safar
  • 3-Rabiicul Awal
  • 4-Rabiicul Thanii
  • 5-Jamadul Awal
  • 6-Jamaadul Thannii
  • 7- Rajab
  • 8-Shacbaan
  • 9-Ramadaan
  • 10-Shawaal
  • 11-Dul-Qacdi
  • 12-Dul-Xaj

Bisha Muxaram waxaa ku jira Khayr fara badan wuxuuna Nabiga NNKH sheegay ay Bishaan ay ku jirto Yoomu-Cashuuraa oo ah in la Soomo 9-ka iyo 10-ka Waxaana loo dhaafayaa qofkii Sooma labadaas Maalmood Dambigii Sannadkii hore , waxay bishaan ka mid tahay 4-ta Bilood Xurmada leh oo ah in aan la dagaalamin laakiin Islaamka haddii la soo weero waa dagaalamayaa , waxaa kaloo ka mid ah Bilaha Xurmadda Saddex waa isku xigaan waxayna kala yihiin Dul-Qacdi , Dul-Xaj iyo Muxaram bisha kale waa Rajab

Qofkasta oo Muslim ah waxaa laga rabaa in uu la socdo Bilaha Islaam uuna yiraahdo maxaa Khayr ah ayaa ku jira bishaan si aysan dhaafin Khayrka Isku soo wada duuboo Sanadka cusub ee Islaamka 1/1/1437 waxaa leeyahay dhamaan Bulshada Islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, in Sannadkaan Sannadkiisa Ilaah ku gaarsiiyo Nabad iyo Barwaaqo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk