Heegan iyo Elman oo da’yartooda ay isku birro tumanayaan

0
1210

elmanDa’yarta kooxda Elman ayaa u soo baxay final-ka koobka da’yarta kooxaha heer-ka koowaad, kaddib markii rigoorayaal ay kaga badisay kooxda Horseed.

Kulankii ugu dambeeyey ee Semi-final-ka tartanka da’yarta ayaa shalay galab la ciyaaray, waxaana isaga hor yimid labada koox ee Elman iyo Horseed.

Naadiga Elman ayaa la hormartay goolka, iyadoo kooxda Horseed ay iska soo bar bareeysay goolka lagu lahaaa, waxaana lagu nastay bar baro 1-1.

Qeybta dambe ciyaarta ayaa labada koox ay wax gool ah iska dhalinin, waxaana kaddib ciyaarta loo dhigay rigoorayaal si ay u kala baxaan labada koox waxaana 3-4 ku adkaatay kooxda Elman oo Final-ka koobka Da’yarta u soo baxday.

Elman ayaa xagaagan dhamaaday ku liidatay horyaalka Soomaaliya, iyagoona xertay booska afaraad dhanka kala sarreynta, da’yarta ayaa naadiga ayaa wacdarro ka dhigay tartanka dhalinyarada, waxana ay boorka ka jafeen kooxdooda.horseed

Horseed, ayaa tartankan u muuqatay naadi adag, iyadoo wacdarro dhigtay kulamadii ugu horeeyay, balse nasiibka ayaa u diiday inay gaarto kama dambeysta tartanka, waxaana rigoorayaal ku quusisay kooxda Elman.

Kulanka lagu ogaanayo cidda koobka uu aadayo ayaa waxa uu dhici doonnaa maalinta Jimcaha ee toddobaadka, ciyaarta oo ka dhaceyso garoonka Banaadir, ayaa waxa ay u dhaxeyn doonta kooxaha Heegan iyo Elman.

 

By: Omar Ibrahim Abdisalam

Somali Football Federation Media Department

Email: omar.ibrahim@somsoccer.com

 

XAFIISKA WARARKA EE MARKACADEEY.COM