Hees Cusub Oo Laga Soo Bandhigay Filimka Tamasha Ranbir Iyo Deepika Waaba La Isugu Tala Galay (+Video)

0
1622

matargashti-tamasha

Heesta  Matargashti sida loo habeeyay iyo qaabka loo duubay waxaa lagu muujiyay in Bollywood-ka ay ka go’an tahay inay wax cusub la imaadaan.

Waa laga tagay qaabkii hore ee Bollywood-ka heesaha u qaadi jireen Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone qaab iyo sheeno iyaga u gaar ah ayay la imaadeen.

Filimka Tamasha waa mid siweyn loo sugaayo waxaana daafaha caalamka laga daawan doonaa 27 bisha November ee isla sanadkan.

Waxaana hubaal ah in dhalinta siweyn ugu heli doono sida ay Ranbir iyo Deepika heestan u mataleen madaama qaab jiliin cusub ay kusoo muujiyeen.

Matargashti waa hees si wacan loo habeeyay lana hubo in siweyn suuqyada heesaha u qabsan doonto, fadlan hoos ka daawo heestan soo jiidashada gaarka ah wadato:

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha: