Heshiis Soo Dhamaaday: Jurgen Klopp Oo Maalinta Beri Ah Noqon Doona Macalinka Liverpool

0
1104

Saxaafada ugu waa weyn ingiriiska iyo jarmalka oo ay ku jiraa, Mail, Mirror, Sky Sports (Deutschland iyo Uk ) Goal iyo Sport ayaa dhamaan isku raacay in macalinka sida ba’an loola xiriirinayay Liverpool ee Jurgen Klopp uu beri noqon doono macalinka rasmiga ah ee Liverpool.

 

 

Dhamaan jariiradaha aan kor ku soo xusnay ayaa bogooda koowaad kusoo wada qoray heshiiska labada dhinac uu yahay mid soo dhamaaday, berina si rasmi ah saxaafada loogu soo bandhigi doono.

Shabadka talka Sport ayaa iyadu bilowday olole ay ku soo dhaeyneyso macalinkaan, waxyana xili hore bogeeda ku soo daabacday #Welcome Klopp# oo macanaheedu uu yahay soo dhawoow Klopp.

Dhanka kale waxaa la isla sii dhexmarayaa in macalinkaan uu fursad fiican siin doono ciyaartooyda hada joogto kooxda intii uu suuqa gali lahaa lana soo wareegi lahaa ciyaartooy, shabakda intooda badan ayaa qoray in maclainkaan uu sidoo akle xiriir fiican la sameysan doono wakiilada ciyaartooyda si aysan u dhicin arintii dhexmartay Rodgers iyo wakiilada Sterling.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha: