Hrithik Roshan Iyo Amitabh Bachchan hogaaminaya filimka Dhoom 4

0
2177

HR and AB

Hadal heynta ugu weyn maanta waxay tahay in labada Super Star Hrithik Roshan iyo Amitabh Bachchan ay heshiis la gaareen shirkada Yash Raj Films si ay taxanaha caanka ah Dhoom 4 hogaamiyaal kaga noqdaan.

Shaqsi aad ugu dhow shirkada YRF ayaa u xog waramay shabakada Bollywood Life wuxuuna u sheegay in Director Vijay Krishna Acharya uu haatan bilaabay diyaarinta qaybta 4-aad ee Dhoom.

Sidoo kalena Aditya Chopra oo ah qarash gareeyaha filimkan ayaa kulan la qaatay Hrithik Roshan iyo Amitabh Bachchan si ay Dhoom 4 wax uga jilaan waxaana la sheegay inay labuduba aqbaleen sameynta taxanahan Classic ah.

Hrithik Roshan kuma cusbo sameynta taxanahan waayo sanadii 2006 wuxuu sameeyay Dhoom 2 asigoo abaal marino kala duwan ku qaatay, haatana waxaa la sheegay isla booska laadarka inuu matali doono.

Abhishek Bachchan iyo Uday Chopra iyaga labadooda door waa laba taabtaan waxayna wax ka jili doonaan taxanahan qaybtiisa 4-aad.

Hadaba arinkan waxaa xan la isla dhex maraayo laakiin shirkada YRF lagama haayo xaqiiqo sax ah oo ku aadan jilaayaasha sameyn doonaan Dhoom 4 oo siweyn loo wada sugaayo.