Irfan Khan Iyo Kangana Ranaut Oo Markii Ugu Horeesay Hal Filim Wada Sameyn Doonaan

0
1382

Director Ketan Mehta ayaa shaaca ka qaaday in filimkiisa xiga ay wada jili doonaan labada heestaan abaal marinta National Film Awards Irfan Khan iyo Kangana Ranaut.

Waxay noqon doontaa markii ugu horeesay oo ay Irfan iyo Kangana filim ka wada shaqeeyaan sidoo kalena filimkan jaceyl ayay ku wadaagi doonaan.

Irfan ayaa filimkan ku matali doono nolosha heesaaga gudaha Hindiya caanka ahaa bari hore Begum Akhtar.

Halka Kangana Ranaut ay jeceylkiisa ku matali doonto waxaana la qorsheeyay in horaanta sanadka cusub duubis lagu bilaabo filimkan.