Ivan Rakitic Oo Soo Xushay Kooxdiisa Riyada Ee Abid, Messi Iyo Neymar Oo Hogaaminaya, Real Madrid Iyo Bayern Oo Min Hal Ciyaariyahan Kuleh

0
1305

Rakitic Dream IX

Xidiga kooxda Barcelona Ivan rakatic ayaa soo doortay kooxdiisa riyada, wuxuuna kooxdiisaan kusoo daray xidigo badan uu kala garab ciyaaray kooxda Barcelona, halka sidoo kale uu xidigo kasoo xushay Bayern Munich iyo Sevilla.

Rakitic ayaa goolka u doortay halyeeyga jarmalka iyo Bayern Munich ee MANUEL NEUER | oo ay iskala soo ciyaaren kooxda Schalke halkaasoo ay kusoo wada raaxeysteen labada xidig.

Dhanka daafca ayuu Rakitic u doortay saaxiibkiisi hore ee Basel oo ah kooxdiisi ugu horeysay ee uu kasoo ciyaaro Rakitic ee BORIS SMILJANIC, waxana ku wehlinaya daafaca dhexe ee Barcelona GERARD PIQUE iyo saaxiibkiisi hore ee Schalke MLADEN KRSTAJIC.

Khadka Dhexe waxaa kawada ciyaaraya: Xavi, oo uu haatan booskiisi kaga ciyaro kooxda Barcelona, Andres Iniesta oo ay haatan kawada ciyaaraan Barcelona, xidiga ay isku wadanka yihiin ee Luka Modric oo ay u wada ciyaaraan qaranka Croatia iyo waliba Jose Antonio Reyes oo ay kasoo wada ciyaareen kooxaha Sevilla.

Weerarka waxaa hogaaminaya xidiga Barcelona Lionel Messi oo ay haatan Rakitic kawada ciyaaraan kooxda Barcelona, weeraryahankii hore ee Seviile Frderic Kanoute iyo waliba weeraryahanka ree Brazil iyo kooxda Barca ee Neymar J.r .

Kooxda oo dhan: Neur, Boris Smiljanic, Pique, Krstajic, Iniesta, Reyes, Xavi, Modric, Kanoute, Messi iyo Neymar.

Ivan Rakitic's Dream Team

Hadaba aqriste adigu yaa ku jira yaase ka maqan kooxdaada riayada, mase ka adkaan laheydeen adiga iyo kooxdaada kooxda Rakitic ?

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.