Jariirada Ree Spain Ee Sport Oo Shax Cajiib Ah Ka Samaysay Ciyaartoyda Uu Saameeyey Dhaawaca FIFA virus Iyo Ciyaartoy Dhaawac Ah Oo Shaxdan Boos Ka Wayday

0
1157

virus-fifa

Waxa ay umuuqataa in kulamada caalamiga ah ee bishan la ciyaaray ay yihiin kuwii ugu dhaawaca badnaa, waxaana aduunka oo dhan ciyaartoyda laga daawaynayay FIFA Virus, waxaana dhaawacyada ugu badan ciyaartoyda ka ciyaaraysay isreeb reebka Euro 2016.

 

Waxaa jira ciyaartoy ay dhaawacyo soo gaadheen oo xili ciyaareedkan inta ka hadhay maqnaan doona waxaana ka mid ah goolhayaha xulka qaranka Netherlands iyo kooxda Newcastle United ee Tim Krul halka uu sidoo kale dhaawac soo gaadhay isla goolhayaha Netherlands ee Cillessen.

(L-R) Wesley Sneijder of Holland, Virgil van Dijk of Holland, goalkeeper Tim Krul of Holland during the EURO 2016 qualifying match between Kazachstan and The Netherlands on October 10, 2015 at the Astana Arena in Astana, Kazachstan.(Photo by VI Images via Getty Images)

Haddaba jariirada ree Spain ee Sport ayaa ciyaartoyda ku dhaawacmay kulamadii caalamiga ahaa ee bishan la ciyaaray ka soo saartay shax ciyaartoyda ku jiraa ay noqon laayeen koox halis ah. Waxaa shaxdan goolka ku bilawday goolhayaha kooxda Newcastle United ee Tim Krul oo xili ciyaareedkan inta ka hadhay dhaawac ku seegi doona.

Halka difaaca dhexe ay kaga wada bilawdeen Gerard Pique iyo David Luiz, difaaca midig ayuu ku bilawday Ivanovic halka difaac halka uu difaaca bidixna uu ku bilawday Contrao. waxaana difaaca boos ka waayay Manolas oo isaga laftiisu dhaawac qaba.

Khadka dhexe ayaa ah goobta lagu jabay ee ciyaartoy badani ay ku dhaawacmeen, waxaana ka mid ah  Matic, Modric, Pogba, Schweinsteiger, Gotze, Pirlo iyo David Silva, waxayna Sport khadka dhexe ee shaxda ay u dooratay Modric, Pogba iyo Gotze. Gotze ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo saddex bilood ah.Gotze

Weerarka waxaa kuwada bilawday Sergio Aguero oo laga dhex qaaday kulankii ay Argentina guuldarada kala kulantay Ecuador, waxa kale oo shaxdan weerarkeeda ku bilawday Karim Benzema iyo Alvaro Morata. Waxaana weerarka boos ka waayay da’yarka Baeyrn Munich ee  Kingsley Coman.Morata

Haddaba akhriste haddii kooxdan uu saameeyay FIFA Virus ay garoon soo gali lahayd ma la odhan karaa waxaa lagu daali lahaa kooxdii joojin lahayd?Halkan kaga bogo dhaxda oo dhamaystiran.posible-once-con-los-afectados-por-virus-fifa-1444592913858-1444647384888

 

 

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.