Action Hero John Abraham iyo quruxleyda Koonfur Hindiya Shruti Haasan filimkooda cusub Rocky Handsome ayaa lagu soo waramaa in dib u dhac ku yimid xiligii la daawan lahaa.
Filimkan Action-ka ah markii hore qorshaha wuxuu ahaa in a daawado 2 bishan October ee aan kasoo gudubnay balse dib ayaa loo dhigay.
Dhawaan waxaa la baahiyay in filimkan la daawan doono 5 bisha Febraayo ee sanadka dambe balse haatan warbixin kale ayaa lagu sheegay in filimkan xiligaas uusan diyaar noqon karin.
John Abraham qaybihii ugu muhiimsan filimkan wuu duubay sidoo kalena waxaa u dhiman in la isku hagaajiyo filimkan lana faafreebo.
Laakiin sababta uu markale dib uga dhici doono xiliga la qorsheeyay daawashadiisa filimkan faah faahin dheeri ah lagama bixinin.