Jose Mourinho Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Chelsea Xili Cadaadis Badan Uu Saaran Yahay

0
914

Mou2

Macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa aaminsan inuu shaqada tababaranimo kusii jiro karo 15-sanadood, balse wuxuu ka dhawaajiyay ineysan macquul aheyn inuu waayahiisa dhan ku sugnaado kooxda ka dhisan galbeedka London.
Inkastoo uu xagaagan si xun ku bilowday macalinkaan reer Portugal ayaa shaaca ka qaaday inuu wax badan kusii jiri doono garoomada balse shaki ayuu ka muujiyay inuu kusii nagaan doono Stamford Bridge.

Blues haatan waxey fadhisaa booska 16-aad ee horyaalka, iyadoo todobaadkii ugu dambeeyay ku baxday gacmaha Southampton ciyaar ku dhamaatay 3-1.
Jose Mourinho ayaa wax laga weydiiyay hadii uu qorsheynayo inuu wax badan kusii jiro kubada cagta, “Wey adag tahay inaan ka hadlo, balse hadii aad i weydiiso imisa sano ayaad kusii jireysaa kubada cagta, waxaan ku dhihi lahaa 15-sano, waxaan heystaa 15 iyo in ka badan hadiiba aan awoodo”
“Miyaan joogayaa Chelsea 15-kaas sano? ma garan karo, umana maleynaayo, uma maleynayo in kubada cagta casriga ah ay intaas kuu ogolaaneyso. sidaas dareed kuma dhameysanayo waayaheyga Chelsea, waan jeclaan lahaa, balse iney macquul tahay uma maleynayo”
Ugu dambeyntiina Jose Mourinho ayaa dareensan in kubada cagta casriga ah aysan cidina u ogolaan karin in dulqaad badan loo sameeyo marka la eego xaalada uu haatan ku sugan yahay.