Jurgen Klopp Oo Ku Bilaaban Kara Waayihiisa Liverpool Iyadoo Uu Ka Maqan Yahay ‘Maskaxdiisa’.

0
1683

Liverpool-Unveil-New-Manager-Jurgen-Klopp

Jurgen Klopp ayaa isku diyaarintiisa kulankiisii ugu horeysay ee Liverpool ee uu kaga horimaanayo Tottenham waxaa soo wajahday caqabad sababtoo ah weli ma uusan soo gaari caawiyihiisa Zeljko Buvac sida ay qortay Daily Mirror.

Buvac ayaan weli awood u yeelanin inuu la midoobo macalinka Jarmalka Klopp iyadoo ninka reer Bosnia uu weli ka shaqeynayo inuu helo ogolaanshaha shaqo ee UK.

48 jirkaan ayaa garanaya Buvac tan iyo markii ay isku koox ahaayeen oo ay u wada ciyaari jireen kooxda Jarmalka ee Mainz, waana kooxda kaliya ee uu Klopp u soo ciyaaray ciyaaryahan ahaan, waxaana uu Buvac ugu yeeraa inuu yahay maskaxdiisa.

Buvac ayaa ahaa caawiyihiisa shaqadiisii ugu horeysay ee tababarenimo oo uu sidoo kale ka qabtay Mainz, waxaana uu Klopp u raacay Borussia Dortmund sannadii 2008.

Liverpool ayaa rajeyneysa in Buvac uu ogolaanshaha shaqada helo ka hor kulanka White Hart Lane ka dhacaya galabnimada sabtida.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.