Jurgen Klopp Oo Ku Xisaabtamaya Inuu Liverpool U Soo Saari Karo Champions League Xilli Ciyaareedkan.

0
1101

Jurgen Klopp ayaa durbaba isha mariyay ciyaartoyda ay heysato kooxda Liverpool waxaana uu u sheegay madaxda kooxda inuu jeclaaday waxa uu arkay, sida ay qortay jariirada Daily Mirror.

Tababaraha Jarmalka Klopp ayaa u xaqiijiyay milkiilayaasha Mareykanka inaan loo baahneyn dib u dhis xoogan madaama ay 18 ciyaartoy cusub ay kooxda yimaadeen muddo aan ka badneyn 12 bilood.

 

 

Taas bedelkeeda, waxa uu aaminsan yahay inuu Reds ku hogaamin karo tartanka afarta kooxood ee ugu sareysa isagoo kaliya u baahnaanaya saxiixyo yaryar bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga .

Madaxda kooxda Liverpool John Henry, Tom Werner iyo Mike Gordon ayaa axadii hore ceyriyay Brendan Rodgers iyagoo dareemay inuu joojiyay inuu qaab ciyaareed fiican ka soo saaro kooxda da’da yar ee loo gacan geliyay, waxaana uu Rodgers doonayay in la soo iibiyo xiddigo magac leh oo tayo leh.

Taasna waxa ay ka soo horjeeday falsafada kooxda, kuwaasoo doonaya horumarinta koox da’ yar ah oo hal mar isla jaanqaada.