Kadib Hadalo Ay Saxaafada Isku Dhaafsadeen Sergio Ramos Iyo Benitez Ayay Markii Ugu Horaysay Maanta Ku Kulmeen Tababarka Madrid, Siduu Xaalku Ahaa?

0
1081

Tababare Rafael Benitez ayaa hore kabtanka kooxdiisa ee Serigo Ramos ugu eedeeyay qaabkii uu rekoodhihii kulankii Madrid derby ku galay xidiga Atletico Madrid ee Tiago laakiin Ramos ayaa si cadhaysan saxaafada ugaga jawaabay tababarahiisa Benitez. Ramos ayaa su’aal galiyay badalada uu Benitez sameeyo.

Ramos ayaa markii uu ka hadlayay tababare Benitez u muuqday mid aad ucadhaysan isaga oo sheegay in Benitez uu xarunta tababarka ka sheego waxa uu saxaafada u sheegay, laakiin maadama oo Ramos laga saaray liiska xulka qaranka Spain ayay tan iyo markii ay hadalada isdhaafsadeen Benitez iyo Ramos ay maanta ku kulmeen xarunta tababarka Real Madrid ee Valdebebas.

Ramos oo si kooban uga jawaabay su’aalo la waydiiyay isaga oo gaadhigiisa saaran ayaa sheegay in wax kastaaba sax yihiin sidan ayayna su’aalo kooban oo la waydiiyay udhaceen.

Miyaad Benitez nabad la samaysatay? Ramos ayaa qosal kaga jawaabay.

Miyaad Benitez la hadashay? “Anigu markasta tababarayaashayda waan la hadlaa”

Xaalada miyaa la dejiyay? “Waxba ha walwalin waxkastaaba way fiican yihiin”.

Hadalkaagii miyaad ku talax tagtay ama ku dheeraatay? “wax yar ayaan ku dheeraaday”.

 

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.