Kanaalada BT Iyo SKy Sports Oo Shaaciyay Dhamaan Kulamada Sida Tooska Ah Loo Daawan Doono Waqtiga Mashquulka Badan Ee December Iyo January

0
962

Sky Sports iyo BT Sport ayaa ku dhawaaqay kulamada horyaalka Barclays Premier League ee sida tooska ah ay u sii deyn doonaan xiliga ciida gaalada ee Christmas iyo bilowga sanadka cusub.

Kulamada ugu xiisaha badan ee sida gaarka ah isha loogu heyn doono waxaa kamid ah Manchester United vs Chelsea oo ka dhacay Old Trafford, kaasoo si toos ah looga daawan doono BT Sport xiliga casirayada ee malinta isniinta ee December 28.

Kulnkaan ayaa ah mid kamid ahsadex kulan oo United oo si toos ah loo daawan doono bisha December, kulankooda ugu horeeya waxay boqanayaan Bournemouth ayaa waxaa la ciyaari doonaa 5.30pm ee saacada UK maalinta  ay taariikhdu tahay December 12 sidoo kale booqashadooda Stoke City ee maalinta loo yaqaano Boxing Day kaasoo bilaabanaya saacada 12.45pmee waqtoga Uk.

Kulanka ay Chelsea gurigooda kula ciyaareyso Bournemouth sabti December 5 ayaa la ciyaari doonaa 5.30pm waxaana laga sii deyn doonaa Sky Sports, halka booqashadooda Crystal Palace ayaa la daawan doonaa saacada Uk marka ay tahay 1.30pm axad January 3.

Liverpool ayaa iyagana afar kulan si toos ah loo daawan doonaa, waxayna ka bilaabaneysaa booqashadooda Newcastle United ee saacada 4pm maalinta axada ah December 6. Iyo kulamad ay martida u noqon doonaa Watford, Sunderland iyo West Ham ayaa iyagana toos loo daawan doonaa.

Arsenal ayaa booqasho ku tageyso Aston Villa axada bisha December 13 waxaana laga daawan doonaa Sky, halka kulanka ay soo dhaweynayaan Manchester City ayaa la daawan doonaa December 21. +4

Sidoo kale waxaa toos loo daawan doonaa kualnka Boxing Day, iyo booqashadooda Southampton oo toos looga baahain doono BT Sport fiidnimo.

Manchester City ayaa si toos ah loo daawan doono dhamaan kulamada ay ciyaarayaan Watford, Stoke City iyo Leicester City .

Halkaan ka aqriso dhamaan kulamada sida tooska ah loo baahin doono oo dhan xiliga ciida gaalada iyo sanadka cusub.

December 5 – Stoke City vs Manchester City (12.45pm, BT Sport)

December 5 – Chelsea vs Bournemouth (5.30pm, Sky Sports)

December 6 – Newcastle United vs Liverpool (4pm, Sky Sports)

December 7 – Everton vs Crystal Palace (8pm, Sky Sports)

December 12 – Norwich City vs Everton (12.45pm, BT Sport)

December 12 – Bournemouth vs Manchester United (5.30pm, Sky Sports)

December 13 – Aston Villa vs Arsenal (1.30pm, Sky Sports)

December 13 – Tottenham Hotspur vs Newcastle United (4pm, Sky Sports)

December 14 – Leicester City vs Chelsea (8pm, Sky Sports)

December 19 – Newcastle United vs Aston Villa (5.30pm, Sky Sports)

December 20 – Watford vs Liverpool (1.30pm, Sky Sports)

December 20 – Swansea City vs West Ham United (4pm, Sky Sports)

December 21 – Arsenal vs Manchester City (8pm, Sky Sports)

December 26 – Stoke City vs Manchester United (12.45pm, Sky Sports)

December 26 – Newcastle United vs Everton (5.30pm, BT Sport)

December 26 – Southampton vs Arsenal (7.45pm, BT Sport)

December 28 – Manchester United vs Chelsea (5.30pm, BT Sport)

December 29 – Leicester City vs Manchester City (7.45pm, BT Sport)

December 30 – Sunderland vs Liverpool (7.45pm, Sky Sports)

January 2 – West Ham United vs Liverpool (12.45pm, BT Sport)

January 2 – Watford vs Manchester City (5.30pm, Sky Sports)

January 3 – Crystal Palace vs Chelsea (1.30pm, Sky Sports)

January 3 – Everton vs Tottenham Hotspur (4pm, Sky Sports)

F.G: Dhamaan waqtiga kulamadaan ku hor qoran waa saacada dalka Ingriiska.