Kareena Kapoor Maxay Ka Tiri Dooda Ah In Atirishooyinka Lagu Siiyo Lacago Badan Filim Jilista

0
1552

Kareena

Kareena Kapoor Khan oo ka tirsan Bollywood-ka 15-sano ee ugu dambeesay ayaa wax laga weydiiyay inay ka dhahdo dooda haatan Bollywood-ka ka taagan taasi oo ah in atirishooyinka aan la siini lacago ku filin oo ay filimada ku sameeyaan.

Kareena Kapoor oo 35-jir ah waxay arinkan ka tiri “Aniga ahaan waan ku faraxsanahay lacagaha aan filimada xiligan ku sameeyo”

“Waligey kama cabanin arimo la xariiro lacagaha filimada lagu sameeyo, haatana diyaar uma ihi inaan arimahaas ka hadlo”

“Waxaa muhiim ah in qofka uu u doodo sidii uu boos fiican filimada kaga heli lahaa balse ma ahan in lacag aad hadafkaaga ka dhigatid”

“Markii aad sameysid aflaan aad u wanaagsan dabcan lacag walbo waad heleysaa adigoo qeylinin sidoo kalena saxaafada adeegsanin”

“Waxaa iga talo ah atoore walbo iyo atirisho kasto in shaqadooda ay ku dadaalaan kadib lacagta wey iska imaan doontaa midaas aniga hubo”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan