Kenya oo dad ay qab-qabatey Su’aalo weydiineysa, Shakina uu ka soo baxay, Maxay ku heystaan? Akhri

0
830

kenya1

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiisha dalka Kenya ay su’aalo waydiinayaan sided qof oo ay uga shakisan yihiin in xiriir dhow ay la leeyihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab, kuwaasi oo laga soo xiray xaafadaha magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Wararku waxay leeyihiin Howlgal ay fuliyeen ciidamada booliska ee la dagaalanka argagexisada ayaa la sheegay in 5-kamid ah dadkaasi ay yihiin Soomaali halka kuwa kalana ay yihiin Kenyan balse asal ahaan Somalia kasoo jeeda,waxana lala qabtay laba gaari ay wateen iyo 8Mobil kuwii ugu dambeeyay sidaasi waxaa saxaafada u sheegay Taliyihii howlgalka hogaaminayay Bernard Nyakwaka.

Bernard Nyakwaka waxa uu shaaca ka qaaday in ragaasi ay hadda su’aal waydiin ku hayaan saraakiisha la dagaalanka argagexisada.

Howlgalka dadkaan lagu soo qabtay ayaa la sheegay in ay tahay mid amaana lagu xaqiijinayo iyadoo caasimada dalka Kenya ee Nairobi horey ay ugu jirtay xaalad feejignaan sababtoo ah waxa ay ciidamadeedu ka dagaalamayaal dalka Soomaaliya waxana ay dhowr jeer handaad u jeedisay dowladda iyo shacabka Kenya.

Shacabka Kenya ayaa dhexdooda muujiyay baqdin ku aadan beegsiga dadka Kenyanka ah oo lala xiriiriyo Al-shabaab.

xafiis Wareedka Markacadeey.com