Kooxda Gobalka Sanaag Oo Taako Kala Kulantay Dhigeeda Gobalka Saraar Iyo Gabiley Oo Barbaro Gool La’aan Ah La Gashay Gobalka Saraar

0
1177

Waxaa maalintii saddexaad si habsami ah garoomada Xaaji Dahir Stadium iyo Alamsey Stadium oo ku kala yaala Boorama iyo Burco uga socda wareega kowaad ee isreeb reebka  tartanka koobka gobolada Somaliland, waxaana maanta la ciyaaray kulamadii saddexaad ee isreeb reebka tartanka gobolada Somaliland. Tartanka sanadkan ayaa ah mid gabi ahaanba ka duwan tartamadii gobolada Somaliland ee sanadihii hore la soo qaban jiray, waxaana sanadkan lagu soo kordhiyay in marka hore ay goboladu soo galaaan isreeb reebka iyada oo wareega hore uu ka dhacayo magaalooyinka Burco iyo Boorama.

Wareega kowaad ayay ka qayb galayaan 14 gobol iyada oo gobolada Awdal iyo Togdheer ay min 7 kooxood ay ku tartamayaan, waxaana wareega hore ee lagu qabanayo Boorama iyo Burco ka soo bixi doona min afar kooxood halka heerka sideeda kooxood lagu qaban doono Hargaysa Stadium oo casriyayn lagu sameeyay isla markaana la dhigay dooga macmalka ah.

Kulamadii maanta lagu furay wareega koowaad ee tartanka gobalada Somaliland iyo natiijooyinkii ka soo baxay:

Kulanka kooxda Gobalka Gabiley Vs Kooxda Gobolka Salal:-

Kulan xiiso badan ayaa kooxaha gobolada Gabiley iyo Salal ku dhex maray garoonka Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Boorama, wuxuuna kulankani ahaa kulankii ugu adkaa kulamadii hore uga soo dhacay wareega kowaad ee ka socda gobalka Awdal magaaladiisa Borama, waxayna labada kooxoodba kulankan soo bandhigeen ciyaar adag taas oo sababtay in labada kooxoodba ay qaybta hore ee ciyaarta abuuri kari waayaan fursado badan oo goolal lagu dhalin karo.

 

 

Inkasta oo kooxda gobalka Gabiley ahayd kooxda qaybta hore ee ciyaarta ugu cad cadcadayd ee goolal laga filan karayay ayay haddana difaaca kooxda gobalka Salal soo bandhigeen adkaysi badan iyaga oo halis dhawr ah iska badbaadiyay. Gabiley ayaa fursad halis ah oo gool loo fishay heshay kadib markii ay si fiican koorne u soo tuurteen laakiin goolhayaha Salal ayaa fursadan iska badbaadiyay inkasta oo uu ku sigtay inuu dhaawac ka soo gaadho.

Dadaalka labada kooxood ay ku doonayeen inay goolal ayaan noqon mid ay kaga dhabeeyaan, waxayna labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar adag taas oo ugu danbayn keentay inay saddexda dhibcood qaybsadaan isla markaana ay ku kala baxaan barbaro gool la’aan ah. Waa kulankii ugu horeeyay ee Xaji Daahir Stadium ay laba kooxood ku kala baxaan barbaro gool la’aan ah.

Kulanka Gobolka Sanaag Vs Kooxda Gobalka Saraar:-

Kooxaha gobolada Sanaag iyo Saraar ayaa kulan ku dhex maray garoonka Alamsey Stadium ee magaalada Burco ku kala baxay barbaro gool la’aan ah. Kulankan ayay labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaar adag oo ay labada weerar awoodi waayeen inay wax goolal ah ka dhaliyaan.

Inkasta oo ay kooxda gobolka Sanaag ahayd kooxda la filaayay inay kulankan guul gaadhi karto ayay haddan iska caabin wayn kala kulantay kooxda gobolka Saraar oo kuba sigatay inay waji gabax ku rido kooxda gobalka Sanaag. Saraar ayaa fursado halis ah heshay qaybta danbe ee ciyaarta iyada birta u garaacday Sanaag.

Laakiin sanaag ayaa u muuqtay inay goolka guusha heshay kadib markii kubbad laada xorta ah ku timid ay ku dhashan gaadheen gool muhiim u ahaan lahaa laakiin fursadaas ayaan noqon mid natiijada ciyaarta wax ka badashay, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

 

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.