Lionel Messi Oo Shaaca Ka Qaaday In Javier Mascherano Uu Mararka Qaar Galo Xaalad Aan Lala Hadli Karin Iyo Mascherano Oo Buug Ka Qoray Waayihiisa Ciyaareed

0
1544

Messi And Mascherano

Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday in xidiga ay isku kooxda iyo xulka qaranka yihiin ee Javier Mascherano inuu mararka qaar galo xaalad ay fiican tahay in aanad la sheegaysan karin.

Mascherano ayaa soo saaray buug ay wada qoreen Nicolas Miguelez kaas oo loogu magac daray ‘15 ka talaabo ee hogaaminta’kaas oo uu Mascherano kaga hadlay waayihiisa ciyaareed.

Waxaa hordhaca buugan qoray xidiga afarta jeer ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or –ka ee Messi kaas oo sheegay in Mascherano uu yahay xidig kaftan badan balse uu maalmaha qaar waali galo wuxuuna yidhi: “Maalmaha qar Mashcerano waxa uu doonayaa inuu kabtamo, laakiin maalaha qaar ayuu wali ku jiraa”.Messi And Mesche

“Marka uu Mashcerano ku jiro xaalada waalida ah waxaa kuu fiican in aanad isaga la hadlin, waanu aragnaa mana jiro qof ku dhirada inuu wax sheego. Mascherano waxa uu yaqaan sida loola tacaalo xaaladaha, waa hogaamiye aragti togan ama dhinaca fiican wax ka fiiriya.

“Koobkii aduunka ee Brazil aniga ayaa calaamada kabtanka xidhnaa laakiin markasta dhinacayga ayuu Mashcerano taagnaa si uu qalad kasta u saxo”.Messi ayaa xulka qarankiisa Argentina dhaawac kaga maqan waxaana kabtan u ah Mascherano.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.