Luka Modric Oo Ula Safray Xulkiisa Croatia Dalka Malta Inkastoo La Filayo Uu Dhaawac Ku Seegi Doono Kulankaan

0
1110

Modric and Kovavic

Croatia ayaa xaqiijisay in Luka Modric uusan ciyaari doonin kulanka muhiimka ah ee isreebreebka EURO 2016 ee ay la ciyaarayaan Malta laakin ciyaariyahanka ayeeysan taasi ka joojin inuu la safro kooxda qaranka Croatia.

Xulka macalin Ante Čačić’s ayaa u baahan inye guul ka gaaraan Malta, laakin waxay sidoo kale ku duceysan doonaan in Italy ay gacan u fideyso si ay u garaacaan Norway, hadii nasiibka uu ka saacido labada dhinacba, xulka Croatia ayaa si toos ah isaga xaadirin doona France.

Dhanka kale Madrid aya war rasmi ah kasoo saartay dhaawac Modric iyagoo doonayay in xidigaan uu kusoo laabto kooxda si loo daaweeyo, laakin xidigaan oo ugu yaraan todobo cisho garoomada ka maqnaan doono ayaa xulkiisa ula safray dalka Malta, waxaana uu talooyin iyo daawaba ka qaadan doonaa dhaqtarka xulka edema sidaaso darteed wuxuu seegi doonaa kulanka ay sabtida la ciyaaryaan kooxda Levante.

Madrid ayaa ku kalsooni qabta in Modric uu taam buuxa u noqon doono kulanka adag ee Champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda PSG 21 October.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.