Ma Ogtahay Aqristow In Aishwarya Rai Ay Ku Guuleesan Laheyn Abaal Marinada Filmfare Iyo National Awards Hadii Ay Filimkii Kahaani Sameyn Laheyd Iyo Xaqiiqooyin Kale Oo Xiiso Badan

0
2428

Kusoo dhawaada aqristayaasha sharafta leh waa markale iyo barnaamijkeenii ma ogtahay, waayo waxaan idinka balan qaadnay in todobaadkii hal maalin oo dheeri ah aan kusoo kordhin doono.

Sida joogtada inoo ahayd maal maha (Isniin & Khamiis) ayaan idinla wadaagnaa barnaamijka Ma Ogtahay, balse codsi badan oo nooga yimid aqristayaasha ayan hal maalin oo dheeri ah ugu soo kordhina.

Maalinta dheeriga ah ma noqon doonto mid hal maalin oo gaar ah leh waxay noqon doontaa maalin dhex galis ah oo aan ugu tala galnay aqristayaasha inaan kadis uga dhigno!

Sidaa darteed maanta iyo macluumaadka aan idiin heynaa oo aan hubno inay idin qancin doonaan fadlan hoos kaga bogo:

Ma ogtahay Aqristow in Aishwarya Rai ay ku guuleesan laheyn Abaal marinada Filmfare iyo National Awards hadii ay filimkii Kahaani sameyn laheyd, laakiin booskii loogu tala galay Vidya Balan ayaa gashay sidoo kalena aruursatay abaal marinada caalamiga ah.

Ma ogtahay in Ritesh Dheshmuk iyo Tushar Kapoor oo wateen filimkii Kyaa Kool Hai Hum ay Boxoffice-ka ku gareen Ajay Devgan, John Abraham iyo Vivek oo filimkii Kaal wateen xitaa SRK ayaa filimkan muuqaal marti ah ku lahaa oo hal hees ka qaaday.

Kaali waxaa tiyaatarada la saaray 29 April 2005 asigoo hal todobaad saaran waxaa masraxa kala wareegay filimka shactirada badan Kyaa Kool Hai Hum oo ka awood badiyay Ajay iyo kooxdisii.

Kaal wuxuu noqday (Average) halka filimka Kyaa Kool Hai Hum uu noqday (Hit) weyn!!!!!!!!

Ma ogtahay filimka Jaws (1975) ee Hollywood-ka ah uu yahay sidoo kalena uu sameeyay Director Steven Spielberg uu yahay filimkii ugu horeeyay ee Hollywood ah kaasi oo darajada Blockbuster in loogu yeero muteestay madaama filimkan lagu qarash gareeyay $9M wuxuuna soo xareeyay lacag ahaan $407.70M!!

Ma ogtahay in filimka King Kong (1933) uu yahay filimkii ugu horeeyay ee qayb labaad laga sameeyay qaybtiisa labaad waxaa lagu magacaabaa The Son of Kong (1933) waxaana labadan filim u dhaxeeyay waqti ahaan mudo 9-bilood oo kaliya!!

Ma ogtahay aqristow filimada kala ah  Avatar (2010), Titanic (1997), Lord of the Rings: The Return of the King (2003), Jurassic Park (1993), iyo Shrek 2 (2004) inay yihiin kuwa macaashka ugu badan laga helay oo ay shirkada Hollywood-ka sameeyeen ebid!

Ma ogtahay aqristow filimada Hollywood-ka ah ee taariikh ahaan qasaarada ugu xoogan lagala kulmay inay kala yihiin: Town & Country (2001), Stealth (2005), The Adventures of Pluto Nash (2002), Final Fantasy: The Spirits Within (2001), iyo The 13th Warrior (1999)!

Ma ogtahay in Sanjeev Kumar oo aabo ugu yahay Shashi Kapoor filimkii Trishul, balse xaqiiqada waxay tahay in Shashi Kapoor uu 9-bilood ka weynaa markaas Sanjeev Kumar!!

Ma ogtahay in David Dhawan uu yahay Director-ka ugu guulaha badan Bollywood-ka 20-sano ee ugu dambeesay asigoo sameeyay 13-filim oo Hit dhameeestiran noqdeen (5-Super Hit ah iyo 8-Hit ah).

Ma ogtahay in filimka caanka ah ee Hollywood-ka sameeyeen Face Off la rabay marka hore inay sameeyaan Arnold Schwarzenegger iyo Sylvester Stallone, balse Director John Woo ayaa ka door biday John Travolta iyo Nicolas Cage.

Ma ogtahay in atooraha reer England Ben Kingsley uu wax ka jilay filimkii Teen Patti ee Amitabh Bachchan hogaamiyaha ka ahaa, waxay ku qaadatay mudo 27-sano Ben Kingsley inuu filim Hindi ah mar labaad wax ka jilo madaama uu sanadii 1982 uu Ben Kingsley sameeyay filimkii Gandhi loogu magac daray!.