Ma Ogtahay In 7-Lamaane Oo Xiriirkoodii Horey U Dhamaaday Balse Siweyn Loo Xiiseenayo Inay Filim Isla Sameeyaan Markale (+Sawiro)

0
4237

Waxaan maanta barnaamijkeena Ma Ogtahay qaas uga dhignay inaan kaga hadal  qaar ka mid ah xidigaha Bollywood-ka ee xiriir jeceyl dhex maray mid muuqday iyo mid qarsoon xili hore sidoo kalena wada shaqeyn jireen iyo fursada mar labaad shaashada ay kaga soo muuqaan karaan.

Maqaalkan Ma Ogtahay wuxuu gaar u yahay lamaanayaashii nolosha wada qaateen waqti kooban balse markii dambe is fahmi waayay aflaanta ay isla jileen iyo mustaqbalka suurta galnimada ay filim iskula keeni karaan:

Salman Khan – Aishwarya Rai Bachchan: waxay horey iskula sameeyeen filimada kala ah Hum Dil De Chuke Sanam, Hum Tumhare Hai Sanam, Dhai Akshar Prem Ke.

salman-aishwarya-together-story_647_072215041647

Sidoo kale xiriir jeceyl ayaa dhex maray oo siweyn loo wada ogaa inkastoo markii dambe bur bur ku yimid.

Fursada ay iskula shaqeyn karaan markale: waxaa ka sahlan wada shaqeynta labadan in xulka Hindiya ee kubada cagta ku guuleestaan FIFA World Cup ama koobka aduunka kubada cagta (KKK KKKK KKKK)

Shahid Kapoor – Kareena Kapoor Khan: waxay horey iskula jileen Fida, 36 China Town, Chup Chup Ke, Jab We Met, Milenge Milenge.

kareena-kapoor-and-shahid-kapoor-cute-still-jab-we-met

Fursada ay iskula shaqeyn karaan markale: Labadan waa kuwa ugu wanaagsan wax walbo  wey iska hil maameen haatana wanaag ayay wax walbo ka qaateen ayagoo wada sameyn doonaan filim cusub oo lagu magacaabo Udta Punjab sidoo kale Kareena seygeeda Saif Ali Khan isagana Shahid wuxu la soo wadaa filim cusub oo lagu magacaabo Rangoon.

Akshay Kumar – Priyanka Chopra: waxay hore iskula jileen Andaaz, Aitraaz, Mujhse Shaadi Karogi, Waqt: The Race Against Time

fefeuhfoehfo;

Fursada ay iskula shaqeyn karaan markale: Twinkle Khanna ayaaba Akshay kaga digtay inuusan u dhawaanin Priyanka sida darteed markii aan aragno shimbirka Tukaha oo mid cad wada leh ayaa macquul ah inay Akshay iyo Priyanka filim wada sameeyaan, micnaha wada shaqeyntooda ma arki doono markale!!!!

John Abraham – Bipasha Basu: aflaanta ay horey iskula jileen Jism, Aetbaar, Madhoshi, Dhan Dhana Dhan Goal, Race 2

jism-jan5-18

Fursada ay iskula shaqeyn karaan markale:Labadan lamaane wey kala guureen sidoo kalena 50% jaanis ah inay isla shaqeeyaan ayaa jirto madaama colaad iyo xumaan aysan saxaafada isku marinin.

Abhishek Bachchan – Rani Mukerji: aflaanta ay isla jileen Bas Itna Sa Khwaab Hai, LOC Kargil, Yuva, Hum Tum, Bunty Aur Babli, Kabhi Alvida Naa Kehna, Laaga Chunari Mein Daag

6a00e551a4e0f3883301a3fcdcea18970b

Fursada ay iskula shaqeyn karaan markale: labadan xidig si weyn ayaa la isugu xaman jiray inuu xiriir jaceyl ka dhaxeen jiray, weliba guur ayay ku balameen inkastoo markii dambe xiriirkoodii si dabiici ah u bur buray, waa macquul inay isla shaqeeyaan hadii Rani ay dib u bilaawdo inay fanka shaqo adag ka qabato ama ay aflaan badan sameyntooda bilaawdo.

Ranbir Kapoor – Sonam Kapoor: aflaanta ay isla sameeyeen Saawariya

sonam-kapoor302151515

Fursada ay iskula shaqeyn karaan markale: waan ku arkay waan ku caashaqay ayaa dhex martay markii ay filimkoodii kowaad isla sameeyeen, laakiin Ranbir ayaa Sonam meel cidlo ah uga tagay wuxuuna ka doortay Deepika. Weliba Sonam midaas aad ayay uga carootay weyna ku niyad jabtay arinkaas wixii markaas ka dambeeyay labadan xidig ma wada shaqeynin, waa macquul markii ay reer yeeshaan inay filim isla jilaan laakiin hada haka sugin inay shaashada kasoo wada muuqdaan!!

Aditya Roy Kapoor – Shraddha Kapoor: filimada ay isla jileen Aashiqui 2

23-1437644098-aditya-roy-kapoor-shraddha-kapoor-romance

Fursada ay iskula shaqeyn karaan markale: markii hore xiriirkooda banaanka ayay soo dhigeen weliba mid walbo midka kale inuu jecel yahay ma qarsanin laakiin markii dambe qof walbo gaabis ayuu sameeyay, labadan dhalinta yar qof walbo haatan wuxu diirada saaray sidii uu fanka hormar kaga gaari lahaa, dabcan hadii sheeko fiican loo keeno waa macquul inay mar labaad wada shaqeeyaan.