Maamulka Sh/Hoose oo shaaciyay in deegaan hor leh ay ka qabsadeen Alshabaab, Waa kee deegaankaasi?.

0
1038

AlshabaabBaraawa2Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shabeelaha hoose ee dowlada federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in mid ka mid ah deegaanada hoos yimaada maamulkooda oo ay ku sugnaayeen xarakada Alshabaab ay manta dib u qabsadeen.

Cali Nuur Max’ed Guddoomiye Ku xigeenka dhinaca ammaanka Maamulka Gobolka Shabelaha Hoose ayaa ka warbixiyay Howlgallo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ka sameeyeen deegaanno  hoostaga Magaalada Marka , isagoo sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Gandarshe oo uu tilmaamay in ka hor inta aysan Ciidamadu qaban Al Shabaab ay isaga huleeleen.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Ammaanka maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadaan iskaashanaya ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo hoostaga degmada Marka , oo weli Al Shabaab ay ku sugan yihiin wuxuuna hoosta ka xariiqay in Howlgallada ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ay sii socon doonaan sida uu hadalka u yiri.

Geesta kale Cali Nuur Max’ed ayaa shacabka ku nool Gobolka Shabeelaha Hoose ka dalbaday in ay wada shaqeyn iyo  xiriir dhow la yeshaan Ciidamada isgarabsanaya ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Howlgalladaan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay Ciidamada dowladdu iyo kuwa AMISOM ay Howlgallo milatari oo ka dhan ah Xaraakda Al Shabaab ka wadeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan qaar ka mid ah Gobollada dalka.