Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa Madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf , waxaana uu uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland ,ku waasoo indhahooda ku soo arkay dhismaha ciidan ee Puntland kajira .
Puntland ayuu ku amaanay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Shiikh Xassan haykalka dawladnimo ee kajira ,isagoona soo arkay ciidan Booliis ah oo dhisan diyaarna u ah inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday .
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa taliyaha ku bogaadiyey inuu sii laba jibaaro dadaalada uu wado ee uu rabo inuu ku horumariyo ciidanka Booliska .
Ciidanka Booliska Puntland ayaa hada waxaa u socoda qeybtood tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, halka qeybtoodna loo soo geba gebeeyey tababaradaasi diyaarna ay u yihiin sidii ay u howlgeli lahaayeen, waxbadana uga badali lahaayeen qaabkii hore ee ay ku howlgeli jireen.
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya ayaa howlo shaqo u jooga deeganada Maamulka Puntland, isaga oo tababar u soo xiray ciidamo Booliska Puntland ka tirsan.