Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ugu baaqey reer Puntland joojinta ku xad gudubka Gabdhaha.

0
922

cameyEng. Cabdixakiin Cumar Camey, ku xigeenka  madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ku baaqay in la joojiyo xad gudubyada ka dhanka ah gabdhaha Soomaaliyeed, isagoo fariintani ku socodsiiyay dhamaan bulshada reer Puntland.

Cameey ayaa hadalkaan ku sheegay fariin hambalyo ah oo ku saabsanayd maalinta gabdhaha aduunka oo ku beeganayd maalintii shalay.

Wuxuu sheegay gabdhuhu inay yihiin laf-dhabarta mustaqbalkii berito ee qoysaska haday ahaan lahayd xaga dhaqaalaha iyo barbaarinta ubadka.

Wuxuu sheegay gabdhuhu inay xaq uleeyihiin inay helaan wixii diinteena islaamka u ogolaanayso,. Laakiin wuxuu sheegay inay kasoo horjeedaan dhaqamada xun xun ee shisheeyuhu dabada ka riixayaan, kaasoo ah in dumarka lala tartansiinayo ragga.

Meelo ka mid ah deegaanada Puntland waxaa ka dhaca tacadiyo u badan kufsi, kuwaasi oo lagula kaco haweenka barakacayaasha ah eek u sugan halkaasi.

Xafiis Wareedka Markacadeey

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: xafiiskamuqdisho@hotmail.com

markacadeeymedia@gmail.com