Madaxweyne Xasan oo iminka kulan albaabada u xiran yihiin la leh Shariif Xasan

0
870

bayMadaxaweynaha dowlada federaalka Soomaaliyeed, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iminka kula leh magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay Madaxweynaha maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Madaxweyne Xasan ayaa manta gaarey magaaladaasi, isagoo la filaayo in uu sidoo kale kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka.

Wararku waxay leeyihiin kulanka iminka ay leeyihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Xasan ayaa salka ku haya xalinta arrimo hoose oo ka jira gudaha maamulka koonfur galbeed.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu goob jog ka noqon doono kulan la sheegay in lagu soo bandhigi doono xildhibaanada maamulka konfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay warbaahinta in warbaahinta uu si guud ula hadli doono bulshada reer Baydhabo.