Maxaa ka jira in Alshabaab ay xireen Saraakiisha la ururkooda ka tirsaneyd, Maxaase lagu heystaa?

0
1746

shabaaabXoogaga Amniyaadka Ururka Al Shabaab, ayaa waxay xabsiga u taxaaben xubno ka tirsan Saraakiisha Shabaabka, ee ku sugan Degmada Jamaame, xilli bishii hore lagu xir xiray shan nin oo ka mid ah Ajaaniibta ka barbar dagaalamaysa Shabaabka.

Labadii habeen ee la soo dhaafay, ayaa Saraakiishaasi siyaabooyin kala duwan loogu xir xiray Degmadaasi, ka dib markii la tuhmay inay ka dambeeyen warqado lagu taageerayo Ururka Daacish, oo lagu daadiyay qaybo ka mid ah xaafadaha Jamaame.

Wararka waxay intaa ku darayan in Saraakiishaasi ay isugu jiraan Soomaali iyo Ajaaniiba, waxayna tallaabada lagu xiray ku soo beegmaysaa, xilli Ururka Al Shabaab uu ka digay kala qaybinta Ururka dhexdiisa.

Illaa iyo hadda lama garanayo halka ay Ciidamada Amniyaadka ula dhaqaaqen Saraakiisha ay xir xireen, balse waxaa jira tuhun laga qabo inay ula dhaqaaqen dhinaca Degmada Jilib.

Ururka Al Shabaab, ayaa dhawaan awaamiir ka soo saaray inaanay ku biiri doonin Ururka Daacish, isla-markaana ay ka sii mid ahaanayan Ururka Al Qaacidda, oo ay heshiis la gaareen saddex ka hor ka hor.

Shabaabku waxay awaamiirtaasi ku cadeeyen in weli ay xubin ka yihiin Ururka Al Qaacidda, oo sanadkii 2012-ka ay si buuxdo ugu biireen, isla-markaana aan la aqbali doonin kuwa doonaya in khilaaf ka dhex abuuraan Shabaab dhexdiisa.

Madaxda Al Shabaab, ayaa billihii ugu dambeeyay ku kala qaybsanaa ku biirista Ururka Daacish iyo inay ka sii mid ahaadan Al Qaacidda. Khilaafkan ayaa laga dareemay Shabaabka dhexdooda.

Saraakiisha Shabaabka, ayaan looga baran inay ka hadlaan weerarada iyo ugaarsiga ay dhexdooda isu gaysanayan, iyadoo uu Ururku si adag kaga gudbay khilaafaadka dhowr goor soo kala dhex galay.