Maxaa ka Jira In Xavi Uu Doonayay U Dhaqaaqista EPl ? Kooxdee Ayuuse U Ciyaari Lahaa Hadiiba Uu Tago England ? Isaga Ayaa Dhamaan Su’aalahaasi Ka Jawaabaya

0
1181

xavi and csholes

Halyeeyga Barcelona Xavi oo 35 sano jir ah una ciyaara haatan kooxda ree Qatar ee AL-Sadd ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro mar uun horyaalka xamaasada badan ee Premier league,  wuxuuna sheegay inuu yahay horyaalk cid waloba soo jiidanaya.

Isagoo la hadlayay EuroSport ayuu yiri Xavi “Haii aan daacad u hadlo, Premier League wuxuu soo jiitaa ciyaariyahan waliba, waa horyaal cajiib ah, garoomada, cooska, jamaahiirta kooxaha, sida dadka ingiriiska ay ugu nool yihii  kubada cagta, waa cajiib” ayuu ku yiri Eurosport.

“Marka ay timaadoo kooxaha waa weyn, Chelsea, Manchester United, Man City, Arsenal, Liverpool, kuwaas ayaa ah kooxaha taariikhada leh.”

Mar la weydiyay kooxdii uu u ciyaari lahaa horyaalka ingiriiska hadiiba ay dhacdo inuu yimaado, ayuu ku jawaabay Xavi “Midkood Manchester United ama Liverpool, waan ogahay waxa ay kooxaha dhawaantaan lasoo bexeen, laakiin Manchester United ayaa ah kooxda aan ugu jeclahay horyaalka ingiriiska, waa koox taariikh leh”.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.