Maxaa Ka Xiiso Badan SRK Iyo Ram Charan Oo Kulan Wada Qaateen (+Sawiro)

0
2527

Labada Super Star ee aan kala dhicin Shah Rukh Khan oo Bollywood-ka hormuud u ah iyo Ram Charan oo Tollywood hogaamiye u ah ayaa kulan xiiso badan wada qaateen.

SRK ayaa dhowrkii todobaad ee ugu dambeesay ku sugnaa Koonfur Hindiya gaar ahaan magaalada Hyderabad wuxuuna halkaas u joogaa inuu filimkiisa Dilwale kusoo dhameestiro.

Sidaa darteed King Khan ayaa si lama filaan ah ku booqday Super Star Ram Charan oo duubayo qaybaha ugu dambeeyya filimkiisa cusub Bruce Lee.

Ram Charan iyo kooxdiisa filimka Bruce Lee ayaa si wacan SRK usoo dhaweeyeen waxayna kaga mahad celiyeen xidigan booqashada wanaaga ku dheehan ee uu ku yimid goobta filimkooda lagu duubayay.

SRK haatan wuxuu wadaa siyaasad ah inuu dhamaan reer Koonfur Hindiya soo jiito madaama uu dhawaan sidaan oo kale booqasho ugu tagay atooraha awooda badan Suldan Mahesh Babu oo isagana filim cusub duubayay.

Dabcan SRK qorshihiisa wuxuu yahay marka uu filimka Dilwale soo baxo 18 bisha December in reer Koonfur Hindiya si wacan u daawadaan madaama uu haatan wado qorshe ah reer Koonfur Hindiya atoorayaashooda ugu caansan inuu ahmiyad siiyo sidoo kalena xaruumahooda ku booqdo.

2,186 total views, 2,186 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha: