Musharaxa Madaxweynenimad FIFA, Prince Ali Bin Al-Hussien Oo Ka Digay In Dib Loo Dhigo Doorashada Madaxtinimo Ee Xiriirka FIFA

0
1232

prince-ali-bin-al-hussein_3248392

Boqorka dalka Jordan boqor Ali Pin Al-Hussien ayaa ka digay in dib loo dhiho doorashada madaxtinimada FIFA ee lagu wado iney dhacda bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2016, inkastoo uu madaxweynaha haatan shaqada laga xanibay ee Blatter uu sheegay inuusan is casili doonin waxyar kadib markii uu hore u sheegay inuu ka tagi doono shaqada FIFA.

Ali oo saxaafada la hadlayay qirtay inuu isku soo taagi doono jagada madaxtinimada FIFA laakin wuxuu sidoo kale cadeeyay inuusan jirin shaqsi ka weyn sharciga, Ali ayaa yiri “Howlgaladii ugu danbeeyay waxay uujinayaan ineysan jirin cid sharciga ka sareysa, haatan waxaa la joogaa waqtigii gudiga anshaxa ee FIFA shaqadooda iney si saxan u qabsadaan loo ogolaan lahaa”.

Wuxuu intaasi ku daray” “Dib u dhac lagu sameeyo xiligi dorashada FIFA waxay kaliya keeni doontaa in dadka daawanaya howsha FIFA ay qaadaan shaki kale, waxay dadka u sheegeysaa inaan wali cashar laga baran wixii hore u dhacay, xubnaha gudiga anshaxa waa iney ogaadaan in xiriirada kubada cagta, ciyaartooyda, macalimiin iyo dadka kubada xiiseeya ay ina daawanayaan, waxaan rabaan in 26 ka bisha February sidii loo balan qaaday loo qabto doorashooyinka FIFA, musharixiinta hadii aan nahay waxaan heysanaa waqti fiican oo ku filan inaan waxyaabahea ololahooda kusoo bandhigaan”.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.