Muungaab: “Cid aan ka ogolaaneyno ma jirto in ay wadooyinka magaalada Xirtaan, wasaarada amniga howl aan teedii ahayn ayay gashay”

0
888

muungaab11Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamey in ay sii socdaan xirida wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, xilli maalmihii la soo dhaafey uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo furi lahaa wadooyinka xir xiran.

“Wax la ogolaan karo maaha in jidadka magaalada la xir xiro, xaafadaha qaarkood haddii aad u baahatid in aad tagto, wey kugu adkaaneysaa, haddii aadan helicopter qaadaneyn” ayuu yiri.

Muwaadinka Soomaaliyeed xaq ayuu leeyahay, amaanka inaan sugno waa muhiim, laakiin jid la xirtey laguma sugi karo, iyadoo sidaas ayaan haddana hay’adaha aan u aragno in ay lagama maarmaan tahay u ogolaan jirney iney in kooban xirtaan” ayuu mar kale yiri.

Wasaarada Amniga Qaranka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay hay’addan QM ka tirsan ruqsad u siisey inay qaado tallaabadan.

Muungaab ayaa ku eedeeyey wasaaradda amniga in ay gacmaha kula jirto howl aan teedii aheyn, oo maamulka gobolka Banaadir u gaar ah.

Muungaab waxa uu ku dooday in sharciga uu dhigayo in arrimaha la xiriira waddooyinka magaalada Muqdisho ay tahay howsha maamulka gobolka Banaadir, balse aysan wax shaqo ah ku lahayn dowladda federaalka.

Wasiirka Amniga Qaranka Cabdirizaaq Cumar, oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino eedeymaha loo jeediyey wasaaraddiisa, ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo.

Xafiiska Markacadeey.com ee Muqdisho