Philippe Coutinho Oo Dhaawac Looga Saaray Liiska Xulka Qaranka Brazil Ee Isreeb Reebka Koobka Aduunka La Ciyaari Doona Chile Iyo Venezuela

0
329

CoutinhoXidhiidhka kubbada cagta Brazil ayaa xaqiijiyay in xidiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho dhaawac looga saaray liiska xulka qaranka Brazil ee isreeb reebka koobka aduunka la ciyaari doona xulalka qaramada Chile iyo Venezuela.

Philippe Coutinho ayaa kulankii axadii ee Merseyside derby ee ay Liverpool barbaraha 1:1 ka ahayd la gaashay ciyaaray 90 kii daqiiqo, si kastaba ha ahaatee xidhiidhka kubbada cagta Brazil ayaa ku dhawaaqay in Coutinho dhaaawac aan la sheegin uu ka soo gaadhay kulankii Everton, waxayna intaa raaciyeen in booskii Coutinho lagu buuxiyay Kaka.
Brazil ayuu isreeb reebka koobka aduunka ee Chile iyo Venezuela uu ka maqnaan doonaa kabtankeeda Neymar JR kaas oo wali ku maqan ganaaxii la saaray markii uu socday tartankii Copa America.