Prabhas Inuu Guursado Wuxuu Ka Doortay Duubista Qaybta Labaad Ee Filimka Baahubali!

0
1286

Prabhas

Super Star Prabhas oo bandhig taariikhi ah ka sameeyay filimkii Baahubali sidoo kalena iskoorada badan ka dhigay daafaha caalamka ayaa arin xiiso badan laga qoray.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Prabhas oo damacsanaa inuu guursado uu dib u dhigay farxadiisa noloshiisa gaarka ah wuxuuna ka door biday sameynta qaybta labaad ee Baahubaali.

Qorshaha wuxuu ahaa Prabhas uu aqal galo bisha December ee isla sanadkan wuxuuna guursan rabay gabar ay hooyadiis u dooqday.

Balse haatan waalidkiisa wuxuu ka dalbaday in guurkiisa dib loo dhigo madaama uu doono 100% juhdi ah inuu galiyo Baahubali 2.

Prabhas wuxuu guursan doonaa horaanta sanada 2017 wuxuuna doonayaa marka uu dhameestiro Baahubali 2 sidoo kalena daafaha caalamka laga daawado kadib asigoo wax culees ah saarneyn xidigan inuu aqal galo.

Taasi waxay ka dhigan tahay Prabhas guur iyo warkiisa inuu meel iska dhigi doonaa si Baahubali 2 uu markale iskooro taariikhi ah daafaha caalamka iyo gudaha Hindiya uga dhigo.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan