Priyanka Chopra Filimka Don 3 Qayb Kama Ahan Iyo Sababta Ay Uga Baxday Filimkan

0
2360

PC

Waxaa daaha laga qaaday in filimka taxanaha caanka ah Don 3 aysan wax ka jili doonin Priyanka Chopra oo horey atirisho kowaad uga ahayd labada qayb ee filimkan laga sameeyay sidoo kalena Hit-ka noqdeen.

Qof u waramay International Business Times kana mid ah shaqaalada shirkada Excell Entertainment ee Don 3 maal galineyso ayaa ka dhawaajiyay in mashruucan weyn Priyanka Chopra aysan qayb ka ahayn.

Shah Rukh Khan iyo Director Farhan Akhtar waxay ku heshiiyeen in duubisya Don 3 la bilaabo sanadka dambe bartamihiisa sidoo kalena sanada 2017 filimkan la daawado.

Laakiin Priyanka Chopra ayaa qaybta 3-aad ee Don isaga baxday waxayna u aragtay in kasii mid ahaan shaha taxanahan aysan dan ugu jirin madaama xidigtan ay gacanta ku heesto sameynta aflaan badan oo caalami ah oo ay ku jiraan kuwo Hollywood ah.

Sidoo kale Priyanka dhawaan ayay ka dhawaajisay inaysan sameyn doonin filimada aysan hogaamiye ka ahayn sidaa darteed PC diyaar uma ahan inay hoos jooge u noqoto Super Star Shah Rukh Khan!!