Qaraxyo ka dhacay Cameroon

0
1084

CAMERONMiliteriga Cameroon, ayaa sheegay in labo weerar oo isqarxin ah ay ka dhaceen waqooyiga fog ee dalka, meel u dhow xadka ay la leeyihiin Nigeria.
Qaraxyada oo ka dhacay tuulo u dhow magaalada Mora, ayey ku dhinteen ugu yaraan sagaal ruux, waxaana ku dhaawacmay in ka badan toban.
Wararka qaar, ayaa sheegaya in labada qarax ay geysteen haween. Kooxda Boko Xaraam, ayaa goobahaasi si joogta ah uga fuliya weerarada. Waxaa lagu eedeeyay weerar ka dhacay Chad sabtigii, kaasi oo ay ku dhinteen 36 ruux.
Ciidamada Nigeria, ayaa ku biiray kuwa Chad, Cameroon, Niger iyo Benin ee isku dayaya in ay ka adkaadaan Boko Xaraam.