Rabshado maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso

0
1251

Maamulka Iskuulka oo is hortaag ku sameeyay Ciidamada Booliska, ayaa waxay taasi keentay in askar dheeraad ihi uu dalbado Booliska, si loo soo qab qabto ardaydaasi, waxayna bilowgii hore ka bilaaben Maamulihii Iskuulka Najax, oo ay xabsiga u taxaaben.

Booliska Boosaaso, ayaa waxaa lagu eedeeyay in goobtii waxbarashada ka jirtay ay u bedelen goob buuq, isla-markaana ay adeegsadeen rasaasta nool nool.

Ardayda oo ka carootay falkaasi, ayaa waxay rabshado ka sameeyen wadooyinka, iyagoona hakad geliyay dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari, Korneyl C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa waxa uu Dugsiga Sare Najax uu ku eedeeyay mid soo saara arday halis ku ah ummada Somaliyeed iyo reer Puntlandba.

Taliyaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa si kulul Najax School ugu eedeeyay mid lagu keydiyo cadowga ummada, isagoo sheegay inaanan arday la oran karin, isla-markaana u Maamulka Iskuulku dusha u ridan doono, wixii maanta ka dhacay Boosaaso.

Korneyl C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa xusay inay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah ardayda, halka kuwo kalana sida uu sheegay ay ku daba jooggaan, isagoona ku eedeeyay in loo adeegsado waxyaabo ka baxsan dhinaca wanaagga, sida uu yiri.