Rasmi: Cristiano Ronaldo Oo Noqday Ciyaariyahankii Ugu Horeeyay Ee Abid Afar Jeer Ku Guuleysta Abaalmarinta Kabta Dahabka Ah Ee Gooldhaliyaha Ugu Sareeya Qaarada Yurub

0
1406


Ronaldo

Weeraryahanka kooxda kubada cagta Real madrid iyo xulka Portugal  Cristiano Ronaldo ayaa maanta la gudoonsiiyay abalmarinta kabta dahabka ah ee gooldhaliyaha ugu sareeya qaarada yurub markii afaraad ee waayihiisa ciyaareed kadib markii uu xidigaan dhaliyay 48 gool dhamaan tartamada uu kooxda kaga qeyb galay oo dhan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.Golden Boot Cristiano Ronaldo

Ronaldo ayaa abaalmarintaan ku garaacay xidiga aadka u xifaaltamaan ee kooxda Barcelona Lionel Messi kaasoo xili ciyaareedkii hore dhaliyay 43 kaliya shan gool wax ka yar inta uu dhaliyay xidigaan ree Portugal, kaasoo ku raaxeystay qaab ciyaareed shaqsi ah xili ciyaareedkii dhamaaday inkastoo kooxdiisa ay meel waliba kala soo hoyatay fara marnaan.
Ronadlo and Parents
Weeraryahankii hore ee Manchester United oo abaalamarintaan sadex jeer ooh ore ugu soo guuleystay ayaa markale maanata ka gudoomay jariirada kasoo baxda magaalada Madrid ee Marca, oo qabta in xidigaan uu yahay gooldhaliyihii ugu weynaa ee abid soo mara kubada cagta, sida ay ku daabeceen bogooda, sidoo kalena aaminsan inuu yahay xidiga abid ugu goolasha badan kooxda Real Madrid inkastoo Uefa ay qabto inuu goolasha kala mid yahay Raul oo uu dhawaan rikoorkiisa jabiyay ama barbareeyay sida ay kala qabaan Uefa iyo Marca.
Ronaldo and perez

Heerka gooldhalinta Ronaldo ayaa sidoo kale aheyn mid laga iloobay dhanka kooxdiisa Real Madrid kuwaasoo dhawaan u sameeyay xaflad aan caadi aheyn oo ay ku xusayeen waayahay gooldhalin ee xidigaan ree Portugal, waxyana gudoonsiiyeen kab dahab ah.Ronaldo 4 boots

Su’aasha ayaase Cristiano Ronaldo ma noqon doonoo xidigi ugu horeeyay ee abid shan jeer ku guuleysta abaalmarintaa kabta dahabka ah ?

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.