Rasmi Filimka Kapil Sharma Hogaamiyaha Ka Yahay Kis Kisko Pyaar Karoon Oo Hit Dhameestiran Noqday

0
1600

Kapil

Hambalyo shactiroole Kapil Sharma madaama filimkiisii ugu horeeyay uu sameeyay xidigan Hit dhameestiran noqday sidoo kalena uu amaan badan ku helay.

Kapil Sharma ayaa Bollywood-ka ku qabsaday filimkiisa shactirada badnaa Kis Kisko Pyaar Karoon kaasi oo tiyaatarada la saaray 25 bishii September ee aan dhawaan kasoo gudubnay.

Filimkan xiisaha badan cimri ahaantiisa wuxuu ku istaagay 41.75 Crore wuxuuna noqday Hit dhameestiran madaama filimkan lacago yar lagu qarash gareeyay macaash fara badan ayaa laga helay.

Kis Kisko Pyaar Karoon waxaa lagu qarash gareeyay 20 Crore sidoo kalena kooxda filimkan iska laheyd lacagihii ay filimkan ku qarash gareeyeen asigoo tiyaatarada la saarin ayay badankiis heleen.

Kooxda cajaladaha Kis Kisko Pyaar Karoon qeybiyeen waxaa loo dhiigay filimkan ayagoo laga rabo inay 8 Crore dib usoo celiyaan.

Hadaba 41 Crore ayuu filimkan soo xareeyay sidaa darteed kooxda cajaldaha qeybisay 8 Crore dib ayay u celiyeen waxayna macaash ahaan u qaateen 20 Crore halka kooxda filimkan iska leh iyagana heleen 21 Crore oo isgu jirto 8 Crore ee ka maqneed iyo 13 Crore oo macaash ah!

Sidaa darteed Kapil Sharma filimkiisa macaash fara badan ayay ka heleen koox walbo oo ku lug laheyd wuxuuna noqday filim Hit ah.

Kis Kisko Pyaar Karoon sedex todobaad ee uu tiyaatarada saarnaa todobaad walbo lacagaha hoos ku xusan ayuu soo xareeyay:

Todobaadka kowaad – 36.80 Crore

Todobaadka labaad- 4.46 Crore

Todobaadkiisa sedexaad-  25 Lkah

Wadarta Guud – 41.51 Crore

Kis Kisko Pyaar Karoon wuxuu noqday filimkii 7-aad ee Hit dhameestiran sanadkan noqdo waxayna kala yihiin filimada ilaa haatan Hit-ka dhameestiran noqdeen sanadkan 2015 kuwa hoos ku xusan:

Bajrani Bhaijaan (All Time Blockbuster)

Tanu Weds Manu Returns (Blockbuster)

ABCD 2 (Hit)

Piku (Hit)

Badlapur (Hit)

Kis Kisko Pyaar Karoon (Hit)

Dum Laga Ke Haisha (Hit)