Rasmi Filimka Welcome Back Iyo Nataaijada UU Boxoffice-ka Ka Noqday

0
1283

welcomebk14 bishii September waa tiyaatarada la saaray filimkii shactirada badnaa Welcome Back oo ay hogaamiye ka ahaayeen Anil Kapoor, John Abraham, Nana Patekar iyo Shruti Haasan.

Filimkan ayaa soo gaba gaboobay mudadii uu tiyaatarada saarnaa sidoo kalena waxaan wada ogeyn in Welcome Back uu guuleestay.

Balse aqbaarta maanta idiin heyno ayaa ah natiijada rasmiga ah ee uu filimkan Boxoffice-ka ka gaaray.

Welcome Back ayaa la xaqiijiyay inuu gaaray darajada Semi Hit oo ah guul weyn madaama filimkan uu ahaa filim shactiro ah.

Welcome 5-todobaad oo xariir ah ayuu tiyaatarada gudaha Hindiya saarnaa wuxuuna todobaad walbo soo xareeyay lacagaha hoos ku xusan:

Todobaadka 1-aad- 73.65 Crore

Todobaadka 2-aad – 18.54 Crore

Todobaadka 3-aad-  3.22 Crore

Todobaadka 4-aad  – 39.5 Lakh

Todobaadka 5-aad – 5.50 Lakh

Wadarta Guud –  96.86 Crore

Sida muuqato Welcome Back cimri ahaantiisa 97 Crore ayuu ku istaagay waxayna kooxda cajaladaha qeybiyeen qaateen 49 Crore.

Taasi oo ka dhigeyso filimkan inuu noqday filimka 4-aad ee sanadkan kooxda cajaladaha qeybiyeen macaashka ugu badan ka heleen.

Kaliya Bajrangi Bhaijaan, Tanu Weds Manu Returns iyo ABCD 2 ayaa ka macaash badan filimkan sanadkan 2015.

Waxaan leenahay hambalyo John Abraham iyo kooxdiisa filimka Welcome Back guusha aad gaarteen.

Dhanka qarash gareeyayaasha filimkan macaash fiican ayay ka heleen madaama 48 Crore ayay gudaha Hindiya ka heleen halka ku dhawaad 60 Crore ay suuqyada caalamka ka heleen waxaa intaas u dheer Satelite-ka filimkan iyo xuquuqda heesaha oo ay ka heleen in ka badan 35 Crore.

Isku darka guud waxay ka heleen filimka Welcome Back 140 Crore halka ay ku qarash gareeyeen 110 Crore lacago gaarayo.

Sidaa darteed koox walbo oo filimkan ku lug laheyd lacago fiican ayay ka heshay.