Rasmi: Liverpool Oo Durba Magacowday Labada Caawiye Ee Reds Kala Shaqeyn Doona Jurgen Klopp

0
1078

Jurgen-Klopp-469171

Kooxda Liverpool ee ka dhisan Anfield Road ayaa xaqiijisay iney u magacowday Zeljko Buvac iyo Peter Krawietz xilka caawiyenimo ee kooxda iyagoo Klopp kala shaqeyn doona kooxdaan ka dhisan gobolka Merseyside.

Arintani waxey ka dhigan tahay in Liverpool ay noqotay Borrusia Dortmund, madama labadaan nin ay kala soo shaqeeyeen Klopp kooxda Signal Iduna Park ka dhisan.

Si kastaba Zeljko Buvac iyo Jurgen Klopp wuxuu xiriirkooda jiraa in ku dhaw rubuc qarni madama ay saaxiibo ku ahaayeen kooxda Mainz intii u dhaxeysay 1992 ilaa 1995, mar kale ayey labadaan shaqsi midoobeen iyadoo Buvac uu noqday caawiyaha Klopp markii loo magacaabay shaqada tababaranimo ee kooxda Mainz 2001.

Xiriirka labdaan shaqsi ayaan sii dhamaan iyagoo mar kale mudo 7-sano ah ka wada shaqeeyay kooxda Borrusia Dortmund, sidoo kalana Peter Krawietz isna wuxuu ahaa wufuuda Klopp u qaabilsan soo qiimeynta ciyaartoyda mudadiisa Dortmund.

Ugu dambeyntiina magacaabista labadaan nin waxey meesha ka saareen caawiyayaashii Branden Rodgers Sean O’Driscoll iyo McAllister.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.