Rasmi Shahid, Saif Iyo Kangana Filimkooda Rangoon Oo Shaaca Laga Qaaday Xiliga La Daawan Doono

0
848

rangoon

Waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday filimka weyn Rangoon oo ay Shahid Kapoor, Saif Ali Khan iyo Kangana Ranaut hogaamiyaha ka yihiin xiliga la daawan doono.

Filimkan waxaa iska leh Director Vishal Bhradwaj wuxuuna si rasmi ah saxaafada ugu sheegay in filimkiisa la daawan doono 2 bisha October ee sanadka dambe 2016.

Dabcan 2 bisha October waa maalin fasax oo ah maalinta uu Ghandi dhashay inta badana filimada maalintan la saaro lacago badan ayay soo xareeyaan.

Sidaa darteed kooxda filimka Rangoon iska leh fursad weyn ayay u arkaan maalintan muhiimka u ah Boxoffice-ka in filimkooda la saaro.

Filimka Rangoon duubistiisa bisha November ee nagu soo fool leh ayay ka bilaaban doontaa gobolka Arunachal Pradesh waana filim jecel sedex geesood ah sheeko ahaantiisa.