Rasmi Vaani Kapoor Oo La Jiili Doonto Ranveer Singh Filimka Aditya Chopra Iska Leeyahay

0
1100

adi and vaani

Waxaan horey idin kula wadaagnay aqbaartii ahayd in Ranveer Singh uu atoore kowaad ka noqon doono filimka Befikre ee Aditya Chopra Director ka yahay.

Haatana waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday atirishada dhalinta yar Vaani Kapoor in filimkan ay jecel kula wadaagi doonto Ranveer Singh.

Vaani Kapoor iyo shirkada Yash Raj Films waxaa ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan madaama ay gabadhan kusoo caan baxday filimkii Shuddh Desi Romance oo ay Yash Raj Films iska lahaayeen.

Hadaba Aditya Chopra filimkiisa waxaa wada jili doonaan Ranveer Singh iyo Vaani Kapoor waxaana duubis lagu bilaabi doonaa horaanta sanadka cusub.

Sidoo kalena warbixin aan la isku haleyn karin ayaa lagu sheegay in Shah Rukh Khan uu filimkan muuqaal marti ah ku yeelan doono madaama ay Aditya Chopra saaxiibo yihiin.

Fadlan hoos kaga bogo Video xaqiijinaayo oo ay shirkada YRF soo bandhigtay laguna xaqiijinaayo in Vaani Kapoor ay filimka Befikre atirisho kowaad ka tahay:

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan