Roy Keane Oo Diiday Inuu Soo Gabagabeeyo Qilaafka Kala Dhaxeeya Sir Alex Ferguson Ka Dib Markii Uu Beckham Isku Dayay Inuu Dhexdhexaadiyo.

0
1107

David Beckham ayaa ku guuldareystay isku daygiisii ahaa inuu dhexdhexaadiyo labada nin ee qilaafka ba’ani u dhaxeeyo ee Sir Alex Ferguson iyo Roy Keane.

Macalinkii hore ee Manchester United Ferguson iyo kabtankiisii hore Keane ayaa isku dhacsanaa sannadihii u danbeysay, mana wada hadlaan.

 

 

Xiriirkooda ayaa burburay markii uu Keane ka tagay kooxda Old Trafford ka dhisan isagoo uga tagay xaalad adag sannadii 2005,  waxaana labada nin ay isku weerareen buugaagtii ay qoreen ee la daabacay.

Xiddigii hore ee United Beckham ayaa rajeynayay inuu dib u mideeyo labada nin kulankiisa tabarucaada ah ee UNICEF ee u dhaxeeya Great Britain iyo Ireland XI iyo Adduunyada inteeda kale oo Old Trafford ka dhici doonta 14ka bisha November.

Laakiin Keane ayaa diiday dalabkii Beckham ee aheyd inuu ka hoos ciyaaro Ferguson kaasoo tababare u noqon doono xulka Great Britian iyo Ireland, waxaana uu ka cudurdaartay inuusanba ciyaartaas ka soo qeybgeli karin madaama uu howlo dhanka xulkiisa ah leeyahay maalintaas.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.