Salman Khan Oo Ay Dhac U Geesteen 4-Gabdhood Iyo Hantida Laga Qaatay!!

0
1918

Salman1Inaba caadi ma ahan aqbaarta maanta aan idiin heyno madaama Super Star Salman Khan ay dhac u geesteen 4-gabdhood oo aan heybtooda la aqoonin.

Salman Khan ayaa dhawaan taagay goob lagu caweeyo oo ku taalo xaafada Bandra ee uu xidigan dagan yahay.

Asigoo goobta ku sugan waxaa u imaadeen 4-gabdhood habeen xili dambe ah waxayna bilaabeen inay la sheekeestaan.

Salman gabdhigii mid ka mid ahayd ayaa hadal ku mashquulisa halka sedexdii gabdhood ay u dhaqaaqeen inay xidigan ka aruursadaan boorsadiisa gacanta, ookiyaale uu watay iyo katiinka uu marwalbo gacanta ku xirto ee uu caanka ku yahay!!

Dhamaan agabkii laga qaatay Salman miiska ayay u saarnaayeen wuxuuna awoodi waayay inuu iska dhiciyo ama la hadlo gabdhihii dhaca u geesteen madaama uu ka xishooday.

Ilaadiisa gaarka ah markii ay goobta ugu imaadeen waxay Salman ka dalbadeen inuu saldhiga ka dacweeyo gabdhaha madaama uu wajigooda aqoonsan yahay.

Balse Salman ayaa iska dhaafay gabdhahaas madaama uu u arkay wixii ay ka qaateen wax iska yar oo uu dib u gadan karo, sidoo kalena lacagtii yareed ee boorsada ugu jireyna uu ka maarmi karo.

Walee Bhai of Bollywood cashar ayaa loo dhigay madaama ay heleen gabdho xariifiin ah………