Sawirada Booqashadii Ugu Danbeysay Ee Uu Jurgen Klopp Ku Tago Garoonka Anfield Halkaasoo Uu Dhawaan Ka Noqon Doono Tababare.

0
1161

Tababarihii hore ee Borussia Dortmund Jurgen Klopp ayaa laga yaabaa inuu maalmaha soo socda noqdo tababaraha cusub ee Liverpool laakiin ka soo muuqashadiisa Anfield ma noqon doonto markii ugu horeysay ee uu booqdo Merseyside.

Taageerayaasha Liverpool ayaa markii ugu horeysay indhaha ku dhuftay macalinka caanka ah ee Jarmalka xagaagii hore markii uu Borussia Dortmund kulan saaxiibtinimo u keenay Anfield 10kii bishii August.

Xitaa waqtigaas, taageerayaasha Reds ayaa wax weyn ka dhigay imaanshiyaha Klopp iyagoo gacan qaaday u dhoolacadeeyay islamarkaana sawiro taleefanada kaga qaatay markii uu ka soo digay garoonka diyaaradaha. Klopp ayayna qasab tahay inuu ku jiro dareen ah in laga jecel yahay Anfield.

Jurgen Klopp, oo ku dhow inuu loo magacaabo tababaraha cusub ee Liverpool ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay taageerayaal Liverpool ah kulankii saaxiibtinimo ee Dortmund iyo Liverpool ee 2014.
Klopp oo markaas ahaa macalinkii Borussia Dportmund ayaa saxiixyo u sameeyay taageerayaasha Liverpool isagoo ku dhex socday garoonka Anfield xagaagii hore.
Rodgers ayaa si fiican u soo dhaweeyay tababaraha Jarmalka ka hor kulankii saaxiibtinimo iyadoo Liverpool ay 4-0 ku badisay.
Klopp ayaa kula kulmay Rodgers dhoolacadeynta lagu yaqaano iyadoo labada nin ay kaftan wadaag sameeyeen ka hor inta uusan tababaraha Jarmalka waqti u qaadanin inuu saxiix u sameeyo jamaahiirta.
Klopp ayaa sidoo kale waqti la qaatay kabtankii markaas ee Liverpool Steven Gerrard ka hor inta uusan gacan qaadin daafaca Dejan Lovren. Waxaa sidoo kale lagu sawiray calaamada caanka ah ee suran albaabka laga galo garoonka Anfield.