Saxaafada Caalamka Oo Amaan Ugu Qubeysay Goolhaye David De Gea Kadib Qaab Ciyaareedkiis Layaabka Lahaa Ee Kulankii Ay Xalay Guusha Ka Gaareen Ukraine

0
1333

De gea

Saxaafada caalamka ayaa amaan kala duldhacday goolhayaha kooxda Manchester United David De Gea kadib markii uu xalay soo bandhigay qaab ciyaareed layaab leh kulankii ay xulka wadankiisa ay guusha ka gaareen Ukraine oo ay kula soo ciyaareen Kiev, hadaba halkaan ka bogo waxyaabihii ay saakay ka qoreen saxaafada yurub goolhaye De Gea iyo bandhigiisii xalay.

ABC oo ka soo baxda Spain ayaa qortay “Sidee loogu badali karaa goolhaya Manchester United kan Porto ?, Haatan shaki waa dhamaaday” ayeey bogooa hore ku soo daabaceen jariiradaan.

El Mundo ayaa qortay “Shaki waa soo dhamaaday” oo ay ula jeeday in haatan uu soo dhamaday shakigii laga muujinayay masuuliyada goolhayaha kooxda United.

La Gazzetta ayaa iyana qortay “Rajadii Ukraine waxaa horjoogsaday darbiga De Gea” oo macnaheedu yahay De Gea uu cadow ku noqday.

El Mundo (Spain): “Cidna Su’aal kama keeni karto De Gea”.”Ciyaariyahanku wuxuu soo saaray ugu yaraan lix badbaadin oo isaga u gaar ah, inta ugu badan lugaha ayuu ka badbaadiyay, malaha waa goolhayaha kubada kolyaga qabta ee ay gacanta ka mamnuuca tahay, David de Gea wuxuu dadka kaga yaabsaday badbaadino cajiib ah, wuxuu sameeyay toban badbaadin oo layaab leh, dareenka waa mid aan caadi aheyn, rajada mustaqbalka waa mid la isku haleyn karo, su’aal danbe ma jirto” Mushkiladii goolhayeyaasha ayaa soo dhamaatay.

Mundo Deportivo (Spain): “Guul iyo mustaqba ifaya”. “De Gea wuxuu muujiyay inuu yahay badalka ugu fiican ee Casillas. qabtaha Manchester United ayaa maerkale soo bandhigay qeyb kamid ah filimada musalsalka ah ee badbaadinadiisa, sidoo kale sadexda xidig ee Thiago-Nolito-Isco ayaa habeen ifiya galiyay ‘La Roja’”.

L’Equipe (France): “De Gea wuxuu ahaa badbadiyaha cajiibka ah, Spain-na waxay ka guuleysatay qabowgii Kiev, Ukraine waa iney soo habaaraan De Gea, kana duceystaan inuusan markale ka hor imaan”.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.