Saxafiyiin ka tirsan Universal oo weli ku xiran Magaalada Muqdisho

0
673

CAWIL

Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya aya shalay Galab xiray Agaasimaha Bariga Afrika Ee Telefishinka Universal Cabdullahi Xersi iyo Cawil Daahir Salaad oo ah Barnaamij soo saare caan ah oo ka howlgala Telefishinkasi.

Waxa loo xiray Saxafiyiinta Barnaamij Looga Hadlayay Mooshinka Madaxweynaha oo ay ka qeybgalen Laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Telefishinka Universal ayaa baahiyay in Ciidamada ay si kooban u damiyen leyrarkii Xafiiska Universal Ee Muqdisho Howshiina ay ha katay,waxana Teleefanadooda gacanta laga damiyay Saxafiyiintii la xiray.

Ururka Saxafiyiinta NUSOJ ayaa cambaareeyay ugu horeyn Xariga Saxafiyiinta iyo Xarunta Universal Ee Muqdisho oo hawada si kooban looga saaray.